Dhageyso: Madaxweynaha Soomaliya oo sheegay in Masuuliyiin loo Xiray Lacagtii Dhawaan laga xaday Bangiga dhexe ee Soomaliya

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galaayay Barnaamij Live ah oo dadku ay Su’aalo ku weydiinaayeen kaasi oo ka baxaayay Laanta Afka somaliga ee VOA ayaa waxaa la weydiiyay su’aalo dhowr ah oo la xiriirta dowlada iyo laamaha Amniga Musuqa iyo waxyaabo kale.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay lacagtii dhawaan laga xaday bangiga dhexe ee Soomaliya waxaana Madaxweynaha uu sheegay in Bangiga dhexe waxa ka dhacay aysan Musuq maasuq aheyn Bale ay tahay Tuuganimo isagoona carabka ku dhuftay in arintaas hada ay u xiranyihiin dad masuuliyiin ah.

Xasan Shiikh Waxa uu sheegay in raggii lacagta ka xaday Bankiga dhexe aysan wali dowladda Soomaaliya gacanta kusoo dhigin ,laakiin ay ku daba joogto.

Hey’adaha Amaanka ayuu sheegay in ay wadaan baaritaano xoogan oo lagu ogaanaayo dadkii Xaday lacagta Bangiga dhexe ee Soomaliya .

Dhawaan ayey aheyd Markii gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon kun oo dollar .