Dhageyso: Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo ka hadlay Go.an Dhawaan ay soo Saareen ee ku Aadan Xeerka Mamnuucida Gawaarida Koofurta ka Timaada,

Madaxweyne ku Xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Camey ayaa ka Hadlay Go.an Dhawaan ay soo Saareen ee ku Aadan Xeerka Mamnuucida Gawaarida Koofurta ka Timaada,

Talaabadaan ayaa Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu ku sheegay in ay tahay mid la doonayo sidii lagu xaqiijin lahaa amniga guud ee degaanada Puntland.

Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey Ayaa intaasi ku Daray in Dadka Reer Puntland ee Arintaasi kasoo Horjeeda ay tahay Mid Qalad ah.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa intaa ku daray in Cid walba oo Amarkaas ka hortimaada ay u Arkaan in ay la shaqeeyaan Al-shabaab oo ay doonayaan in ay sii socoto Falalka Ammaan daro.

Ugu Dambeyn Cameey waxa uu sheegay in Go’aamadii ka soo baxay Puntland ay dhaqangalinayaan 01- September-2016, waxaana gaadiidka oo dhan la marinayaa baaritaano rasmiga ah oo dhanka amaanka ah.