Dhageyso: Maxaa ka Cusub Saakay Gobol Sool oo Shalay ay ku dagaalameen Maleehsiyo Beeleed

Waxaa Faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan dagaal Maalintii shalay ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ee Maamulka Soomaliland uu ka arimiyo.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag waxaana halkaasi ku dagaalamay Laba Maleeshiyo beeleed oo Deegaankasi wada daga .

Dagaalka ayaa billaabmay Galabnimadii Arbacada wuxuuna hakad ku yimid Habeenkii qamiista hadana subaxnimadii Qamiista ayuu dib uga qarxay deegaano kale, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmad Cabdi Ayaa Voa u xaqiijiyay in Dagaalka ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo  Milatariga Soomaliland.

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay gobolka Sanaag in ay dagaalka Joojiyaan , islamarkaan ay nabada qaataan.

Waxgaradka labada dhinac ee ay dirirto dhexmartay ayaa wada dadaalo lagu doonaayo in laga hortago dagaal marka kale ka dhaca gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Ceel Lafweyne.

Xaalada Deegaanka Laf-weyn ee Shalay lagu dagaalamay ayaa saakay dagan waxaana jirta dhaq dhaqaaqyo lagu doonaayo in aysan dib usoo laaban dirirta .