DHAGEYSO: Maxkamada ICJ oo maanta soo gaba gabeeysay Dhageysiga Dacwada Muranka Badeedka Somaaliya iyo kenya

Waxaa Goo sii horeeysay oo maanta ay Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ay markii labaad Dhageysata udoodayaasha Soomaaliya, Muranka Dacwadda ee kala dhaxeeya Kenya.

Qareenada u doodayay Soomaaliya oo maanta si toos ah looga daawanayay warbaahinta Magaalada Hague ayaa la sheegay in ay si wanaagsan u hadleen, sidoo kalena ay ka jawaabeen eedeynta Dowladda Kenya ee ku aadan in Dacawadan aysan qaadi karin Maxkamadda ICJ.

Sidoo kale waxa ay meesha ka saareen heshiiskii is afgaradka ahaa ee horey loo gaaray in uu yahay heshiis sharci ah ama heshiis kala xadeynaya Baddaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay in ay sugayaan Go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda ICJ, oo ay ku go’aan natiijda ka soo baxda.

Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa mudo 90 Cisho gudahood ku soo bandhigi doonta Dacwadan in ay qaadi karto iyo in aysan qaadi karin.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo markii ay Dacwadda soo idlaatay warbaahinta kula hadlay banaanka Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya rajo wanaagsan ay ka leedahay arintan.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holland ayaa lagu soo waramayaa in ay Banaanbax ka dhigeen afaafka hore ee Maxkamada si tanaasul aan loogu samayn badda Soomaaliya.