Dhageyso: Mid ka Mid ah Nabad doonada Hiiraan ka soo jeeda oo sheegay in Shirka Maamul u Sameynta loo Wareein doono Muqisho

????????????????????????????????????

Nabaddoon Max’ed Yacquub Isaaq, oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan,ayaa sheegay in aysan raalli ka ahayn in Shirka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe loo soo raro Muqdisho,islamarkaana la doorto madaxweyne.

Nabaddoonku,waxaa uu sheegay in ay soo gaartay hadal ahaynta ah in Shirka Muqdisho la keenayo,waxaase uu sheegay in ay muhiim tahay in lala tashto dadka ay talada ka go’do.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada Madaxweynaha ay noqobeyso gacan taag,lana siiyay Beel ka mid ah Beelaha Hiiraan,taas oo uu sheegay in iyada xitaa aysan ahayn mid sax ah.

Nabaddoonka ayaa ku baaqay in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe loo daayo dadka islamarkaana ay iyaga wax isku darsadaan,waxaana uu ka soo horjeestay in Dowladda ay si latashi la’aan ah u dhsito maamul ay yeelanayaa Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.