DHAGEYSO: NISA Oo Ka Hadashay Amaanka Goobaha Ay Ka Dhacayaan Doorashooyinka

1

MUQDISHO, SHAACIYE24.COM= Hogaanka Nabad Sugida qaranka soomaaliya ee NISA General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya in ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay doorka Ciidanka Nabad sugidda in uu yahay sugidda amniga iyo sidoo kale ka hortaga weerarada laga cabsi qabo in ay ka yimaadaan Shabaab.

Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jirto wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta Ciidanka (NISA).

Hadalkan ayuu General C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ka sheegay xilli uu booqasho ku tagay Magaalada Cadaado, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay saraakiisha NISA ee Deegaanada Galmudug.

 

WQ= Abuukar Jamaal Said

Shaaciye24.com xarunta muqdishu..

Lawadaag Asxaabtaada,.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA JENERAL GAAFOW,