DHAGEYSO: Puntland ‘ Waxan si Deg deg ah u bilaabeynaa Qorshe cusub oo Alshabaab kaga sifeyneyno deeganadena

Gaashaanle Sare C/waaxid Cabdulle Warsame oo ah taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland oo ka hadlay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Xarunta Dowlada Hoose ee wuqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa uu sheegay  in Puntland aysan cabsi galin doonin weerarkaasi  sidoo kelana ay bilaabi doonaan qorshe Shabaab looga aar gudanayo maadaama shacab iyo Mas’uuliyiin badan ay uga dhinteen weerarkii Gaalkacyo oo ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa  kale sheegay in Shabaab ay yihiin cadowga umada loona baahan yahay in Hal meel looga soo wada jeesto siduu hadalka udhigay .

Wuxuu shacabka Mudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga hortago loogana guuleysto weerarada Shabaab mararka qaar ay ka geystaan gobolka Mudug.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay inay dhawaan maamulka Puntlan uu bilaabi doono Qorshe cusub oo Alshabaab ay kaga saarayaan deegaanada ay ka arimiyaan

shalay ayee eheed markii weeraro qaraxyo ah ay ka dheceen suuqa dowlada hoose ee wuqooyiga magaalada Gaalkacyo kaasi oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaac waxaana inta la xaqiijiyay qaraxyadaasi ku dhintay dad kao udhaafaya 20 qof 5o kalena way ku dhaawacmeen.