Dhageyso: Sargaalkii Galmudug isku soo dhiibay oo ka hadlay Sababta uu Ahlusuna uga soo goostay

Iyadoo Maamuka Galmudug ay isku soo dhiibeen Sarkaal iyo Ciidamo uu wato oo ka tirsan Ururka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.

Sarkaalka isa soo dhiibay waxaa lagu magacaaba C/risaaq Cali Tubaako waxaana uu horay uga tirsnaa Ururka Ahlu-sunna oo ka biyo diidsan Hanaanka Maamulka Galmudug ee Gobolada Dhexe.

Tubaako aay la socdeen 25 Askari ayaa waxa ay isku soo dhiibeen Saraakiisha Maamulka Galmudug waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado .

Sargaalkaan oo Wareysi kooban siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in soo dhaweyn balaaran ay ka heleen dhanka maamulka galmudug.

Waxa uu Ku Eedeeyey Ahlusuna Waljamaaca caburin iyo is hortaag qofka shakhsiyad ahaan in loo diido ama la xiro hadii uu doonayo Cadaado taasi uu ku tilmaamay arin laga wanaagsan yahay kuna baaqay inay Nabad iyo Heshiis la galaan Galmudug,

Ugu Dambeynta C/Risaaq Tubaako oo Galmudug uga soo biiray Ahlusuna ayaa waxa auu sheegay in ay doonayan Is bedel siyaasadeed oo dadka iyo dalkaba ay dan ugu jirto isagoona sidoo kale ugu baaqay saraakiisha kale in ay la midoobaan walaalahood galmudug ayna ka qeyb Noqdaan Maamulka Galmudug.