DHAGEYSO: Somaliland “Go’aanka uu qaatay Cali Khaliif waa mid geesinimo ah “

Maamulka Somaaliland ayaa ka hadlay halka uu marayo wada hadalada udhaxeeya iga iyo Dhigooda Khaatumo State, waxayna Somaaliland sheegtay in meel wanaagsan uu maro wadahadalada udhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay guddi heer qaran ah u saari doonaan wadahadalada u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo sidoo kale Maamulka Khaatuma. wasiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in Goaanka uu qaatay hogaamiyaha qaatumo uu yahay mid geesinimo ah kuna hogaamin doono khaatumo wadadii guusha siduu hadalka udhigay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa  tibaaxay in wadahadalada  ay la fureen Khaatumo uu yahay bilow sidaas darteedna xukuumada Somaliland ay  ku dadaali doono in uusan heshiiskaasi fashilmin.