Dhageyso: Soomaliland oo Deegaanadeeda ka Mumnuucday Baasaboorka Soomaliya

Maamulka Xukuumadda Somaliland ayaa shalay  mamnuucay Baasaboorka Somalia ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray Somaliland in aan Garoomada lagaga dhoofi Karin, isla markaana aan lagu soo gali Karin.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Jeneraal Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), iyo Agaasimaha arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed oo sida wada jir ah shirjaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in gabi ahaanba aan Somalilnad lagu soo gali Karin, lagana bixi Karin Baasapoorka Soomaaliya ee lagu dhex sameeyo Somaliland, waxaanay sheegeen in qalabkii lagu samayn jirey in badan qabteen.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray inay qabteen qalabkii lagu samayn jiray, isla markaana kuwo kalena ku daba jiraan soo qabashadoodda, .

Sidoo kale, waxaa isagana arrintan ka hadlay taliyaha laanta socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) waxaana uu sheegay in paasaboorka Soomaaliya ee ay mabnuuceen uu yahay ka foojariga ah ee lagu soo qoray waxaa laga bixiyey gobol ka mid ah Somaliland sida (Paasaboorkanwaxaa laga bixiyey Hargeysa , Burco, Borama Ama Laascanood ) oo kale .

Saxardiid ayaa uga digay muwaadiniinta Somaliland in ay Baasaboorka Soomaaliga u isticmaalaan sida baasaboorka Somaliland oo kale.