Dhageyso: Taliyaha NISA iyo Duqa Muqdisho oo Amar ku Bixiyay in Shacabka iyo Ganacsatada ay qaataan Kaarka Dowlada Hoose +Sawirro

Duqa Muqdisho, Taliyeyaasha NISA,booliska iyo Asluubta oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu arki karin qof aan wadan kaarka aqoonsiga dowladda Hoose.

Jeneraal Gaafoow oo ka hadlayay shirka Jaraa’id ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan Dad ku dhintay Qaraxyada ama la toogtay oo ay aaseen dadkii u dhawaa,waxaana uu intaa ku daray in shacabka ay tagayaan Godka jilacoow iyaga oo raadinaya qof mar hore dhintay oo la aasay.

Waxaa uu sheegay in Qofkasta looga baahan yahay in uu qaato kaarkaasi si wax looga qabto falalka amni darrada ah iyo in la aqoonsado dadka ku dhinta qaraxyada.

Qofka aanan qaadan Kaarkaas ayuu ku sheegay Taliya Gaafoow in uu la mid yahay Cadowga ay dagaalka kula jiraan,waxaana uu shacabku amray in kaararkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan.

2015kii ayey ahayd markii sidan oo kale Dowladda hoose amartay in la qaato Kaarkan .hase yeeshee ay dad badan ka caga jiideen iyada oo dhibaato badan laga sheegtay ,taas oo ahayd waqtiga la heli karo oo muddo qaadaneysay.

Warqadda Wareegtada ah ayaa lagu amray in Bulshada Soomaaliyeed,Hay’adaha waxbarashada sida Jaamacahadaha,Macaahidda,goobaha Ganacsiga iyo maamulka Gobolka Banaadirba lagu faray in ay qaataan Kaararkaasi.

 

FB_IMG_1470737835882 FB_IMG_1470737825860 FB_IMG_1470737822773 FB_IMG_1470737797411 FB_IMG_1470737794763 FB_IMG_1470737782608 FB_IMG_1470737789120