Dhageyso: Wasiir Odowaa Kursigeyga Wasiirnimo ayaan ku Wareejinaya Madaxweynaha Ahlusuna hadii uu ku Biiro Galmudug

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Max’ed Xuseen Odawaa,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in jagadiisa wasiirnimo uu ku wareejiyo Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna,Sheekh Max’ed Shaakir.

 
Odawaa,ayaa sheegay in Sheekh Max’ed Shaakir uu 4 Habeen la joogay  Magaalada Dhuusamareeb kuna qancinayay in uu ku biiro Galmudug,hayeeshee aysan wali waxba ka soo bixin.

 
Waxaa uu sheegay in si uu u qanciyo Sheekh Max’ed Shaakir,Galmudugna u degto Dhuusamareeb uu diyaar u yahay in uu Xilkiisa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ku wareejiyo Sheekh Shaakir.

 
Dhanka kale Wasiir Odawaa,ayaa sheegay in Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay u billaaban doonto sida ugu dhaqsiyaha badan,waxaana uu meesha ka saaray in uu dib u dhac badan galay maamul u sameynta labada Gobol.

 
Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in aysan labo u qeybin Karin oo uu Dastuurka u diidayo,maaddaama Dastuurku ay ku taallo 18 Gobol oo Soomaaliya ay ka kooban tahay.