Dhageyso: Wasiir Odowaa” Maqaamka Muqdisho Dowladu waxa ay u Saartay Guddi Heer Wasiir ah”

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya,C/Raxmaan Max’ed Xuseen (Odawaa),ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Guddi Wasiirro ah u saartay maqaamka Muqdisho.

Wasiirka oo shalay ka qeybgalayay shir Wasaaradaha Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedyada ku lahaayeen Baydhaba ayaa sheegay in Maqaamka Muqdisho loo saaray Guddigaasi Wasiirrada ah oo dhawaan shaqo billaabi doona,waxaan Guddigaasi hoggaaaminaya Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/Raxmaan Ceynte.

Guddigan oo aan la ogeyn xilliga rasmiga ah ee laga doonayo in ay cadeeyaan maqaamka magaalada Muqdisho ayaa waxaa suuragal ah iyadoo hada dalka uu galayo kala guur sidoo kalena la filayo in dalka ay ka dhcado Doorasho in maqaamka Muqdisho ay dowladdu sidaa ku ilowdo.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Madasha wadatashiga ee ku shirsan Muqdisho in Maqaamka Muqdisho meel la saaro maaddaama dalka uu qaatay Federaal Labo labo gobol iyo wixii ka badanna la isu raaciyay,Muqdishana soo hartay iyada oo waliba ah Caasimaddii dalka.

Magalaa Muqdisho Dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay Dibad baxyo lagu dalbanaayo in Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada in ay soo cadeeyaan Maqaamka Muqdisho ay ku leedahay Doorashada dalka ka dhaceysa iyo Dowlada Cusub ee dhalan doonta.