Dhageyso: Wasiir Odowaa oo Kormeer ku tagay Xerada Ciidamada Booliska ee Duleedka Magaalada Cadaado+Sawirro

Wafdigaani uu hogaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS ayaa maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada Booliska Oo ku taalla duleedka Magalada Cadaado ee Xarunta KMG .

Ujeedka Socdaalka Wasiirka iyo Wafdiga uu hogaminaayo ayaa waxaa uu ahaa sidii uu u ogaan lahaa xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada iyo sidii cidamada Halkaasi ku jirtay ay u sii laba jibaari lahayeen howgalada ka dhanka ah alshabab ee ka soconaya deeganada Galmudug.

Ciidamadani tababarkani uga socda cadaado ayaa loogu tala galay in ay suganaa amaanka gobolada iyo dagmooyinka galmudug,waxaana wasiirka ugu deeqay ciidamada laba neef oo gelle kuwasi oo loogu  tala galay in uu niyada ugu dhiso ciidamada hadda ku xareysan cadaado.

 

 

odawa1 odawa2 odawa3 odawa4 odawa5 odawa6 odawa7 odawa8 odawa10 odawa12 odawa13 odawa14