Dhageyso: Wasiirka Amniga Jubbaland oo ka Hadlay Dagaalkii Saakay Beled-xaawo ku dhexmaray Maleeshiyo iyo Ciidan uu isaga watay

Afar qof ayaa ku dhimatay 10 kalena way ku dhaacmeen kadib dagaal maanta barqadii ka dhacay degmada Baledxaawo ee Gobbolka Gedo kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Wasiirka Aminiga Maamulka Jubbaland iyo Maleeshiyo Beeleed hubeysan.

Iska hor’imaadka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada Jubaland ay weerareen guri ay isku urursadeen miliishiyo deegaanka ah, oo diidanaa sida maamulka degmadu hawsha u wado.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib is qab qabsi iyo muran ka dhashay isbadal lagu sameeyay Maamulkii degmada Baledxaawo, isbadalkaas oo uu wado Maamulka Jubbaland.

wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur, oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee BBC ayaa sheegay in Magaalada saakay uu dagaal ka dhacay isagoona carabka ku dhiftaay in maleehshiyo Rabsho waday ay Ciidanka Dagaal kooban la galeen.

Shalay ayay ahayd markii labo qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen gudaha degmada Baledxaawo, kuwaasi oo ay dhaliyey dhimashada sadex ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Xaalada magaalada ayaa hada dagan waxaana wali hakad ku jura ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii dadweynaha ee magaalada Baledxaawo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Jubbaland