Dhageyso: Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Xalay qarax ka bad baaday

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Nuux oo la hadlay laanta Afka soomalig ee VOA ayaa sheegay in aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin Qarax Caawa Fiidkii ka dhacay Banaanka Carwo oo ka adeeganayay oo ku taalla wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Nuux, ayaa hadalkiisa intaa ku daray in ujeedka qaraxu ahaa in lagu qalqalgaliyo hormarka iyo ganacsiga magaalada Muqdisho, waxyaabaha qarxayna markii Ciidamada Boolisku ay baareen la ogaaday in ay ahaayeen Walxo Macmal ah.

“Alxamdulilaah, Waan nabad qabaa aniga iyo Asxaabtii ila socotay, Carwada Banaankeeda ayaan qarax ka maqlanay, majirin wax saameyn ah oo uu nagu yeeshay, marka laga reebo in aan maqalnay qarax shacabka lagu qalqalgalinayo” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed oo qaraxa kadib gaaray goobta ay wax ka dheceen ayaa sheegay, in hal qof oo Rayid kana mid ah dadkii wadada marayay uu dhaawac fudud ka soo gaaray Qaraxa, Xaaladduna ay hadda Caadi ku soo laabatay.