Dhageyso: Waxgaradka Galmudug oo ka soo Horjeestay Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland loogu Kordhiyay:

Waxgaradka iyo Odayaasha ka soo jeeda Galmudug ayaa si kulul ugu soo horjeestay habka loo qeybiyay Xubnaha Aqalka Sare ee lagu soo dhisi doonto dowlada Cusub .

Odayasha dhaqanka oo ee Kulanka ku yeehsay Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ka koobnaayeen xubno aad u badan oo galmudud ka soo jeeda waxaana ka mid ahaa:

Ugaas C/laahi Ugaas faarax, Suldaan Maxamed sh maxamed, Garaad Aadan Cilmi iyo Imaam Cumar macalin Abshir ayaa tilmaamay in xubnaha aqalka sare aan lagu saleyn nidaamka 4.5 ee Soomaalidu ku heshiisay in wax lagu qeybsado ilaa doorasho xora laga garaayo isla markaana uu jiro sad bursi maamulada qaar taasina ay keeni karto in bulshada Soomaaliyeed ay ku kala fogadaan.

Waxgaradka ayaa sidoo kale ku baaqay in Xubnaha aqalka Sare si isku mid ah loogu qeybiyo Maamulada Dalka ka jira iyagoona ku tilmaamay habka hada wax loo qeybiyay in ay tahay Mid Sad bursi ah taasi oo u muuqata in ay ka soo horjeedaan Xubnaha dheeriga ee Puntland loogu daray.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horay u sheegay in uu dhaliilsanyahay habka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare gaar ahaan Xubnaha dheeriga ee Maamulka Puntland loogu kordhiyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codadka