DHAGEYSO: Xarakada Alshabaab oo la wareegay degeenka Bud bud ee Gobalka Ee Gobalka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya deegaanka Budbud ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in goor sii horeysay oo maanta Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab ay la wareegeen deegaankaaas xili Ciidmada Dowlada iyo kuwa Ithoobiya ay isaga baxeen degaanka bud bud ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Somaaliya.

Ciidamo badan oo Shabaab ka tirsan ayaa gudaha ugalay deegaanka budbud kuwaas oo magaalada ka soo galay dhinaca koonfureed waxana deegaanku uu yahay haatan mid haawanaya iyadoo dadkii ku dhaqnaa ay isaga baxeen isla markaana horay ay uraaceen ciimada dowlada iyo kuwa ithoobiya kadib markii dadku ay ka baqeen sida ay sheegeen inay waxyeeleyeen dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Dagaalyahanada Shabaabka ayaa ku sugan Difaacyadii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku lahaayeen deegaankan Budbud oo Qiyaastii 70-Km u jira Degmada Ceelbuur ee Gobolkaasi Galgaduud.

Ciidamada dowlada iyo Kuwa itoobiye ee ku sugnaa deegaanka budbud ayaa gaaray deegaanka Moqokori ee Ee isla Gobalkaasi.

Goob jooge ku sugan meel 15 km ujirta Deegaanka Budbud oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa Idaacda Xurmo uga waramay Xaalada deeganka sida ay tahay