DHAGEYSO: Xukuumada Somaaliya oo ee deeyn kulul ujeedisay Bankiga adunka iyo Imf

c/raxmaan Sheekh Cali Yuusuf (Ceynte)  Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Xukuumada somaaliya ayaa  eedeyn kulul dusha uga tuuray Bankiga aduunka Heyada Lacagta Aduunka ee IMF kuwaas oo uu ku eedeyay  in ay ka hortaaganyihiin in Dowlada Somaaliya ay Daabacato Laqcago Cusub

Wasiir Cente ayaa sababta ku sheegay hadii Soomaaliya ay daabacato lacago cusub inuu imaanayo isbedel dhanka dhaqaalaha ah iyo sicir barar wax kasta ku yimaada, isagoo sheegay in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya xilligan uu ku howlan yahay sameynta lacago cusub oo dalka uu yeesho

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta arimo ku aadan in lacago cusub dalka Suudaan lagu soo daabaco hayeeshee caqabado jiro awgeed lacagtaasi ay suuragal u noqon weyday in Soomaaliya la keeno.

Lacagta keliya ee hada dalka laga isticmaalo ayaa ah Kunka Shilling Somaaliga ah , iyadoo aysan jirin lacago kale oo Shilling Soomaali ah oo dalka laga isticmaalo marka Dollarka oo si aad ah mudooyinkii u dambeeyay  ay dadka u isticmaalayeen

Dadka ku taqasuasay cilmiga dhaqaalahana waxa ay leeyihiin hadii xaaladu ay sidaa ku sii socoto gabi ahaanba uu meesha ka bixi doono lacagta shilnka somaaliya oo iminka dhaxalka kaliyah ee ay shacabka Somaaliyeed lacag ahaan u heestaan marka loo eego lacagihii ka horeeyay ee la burburay Dowladii dhexe ee dalka.