Dhageyso+Sawirro: Xukuumada Soomaliya oo sheegtay in maalinta sabtida uu Furmi Doono Shirka Jowhar

Shir Saxaafadeed ay si wada jir ah u wada qabteen R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte , Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Raxmakan Maxamed XUseen Odawaa iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey ayey kaga hadleen dib u furmida Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/DHexe.

R/Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa xaqiijiyey in maalinta Sabtida ah oo ay taaariikhdu ku beegan tahay 03 September 2016 uu dib u furmayo Shirka Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mjaxamed Cabdi Afeey ayaa dhinaciisa xusay in IGAD ay Dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii uu dib ugu furmi lahaa wajiga labaad SHirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

“Sabtida waxaa ugu baaqeynaa in Ergooyinka labada gobol inay isugu yimaadaan magaalada Jowhar, wada hadal dhexdooda ayaa u fududeynaa, waxaa kaloo rabaa inaan halkan ka cadeyno in Beesha Caalamka ay ka mideysan tahay dhismaha maamulkaas”ayuu yiri Danjire Afey.

Raiusl Wasaare ku Xigeenka Dalka ayaa isna ugu baaqay Odayaasha Shirka ka qeyb galaya in ay la yimaadaan Tanasul iyo iskaashi si loo dhameystiro Maamulka loo dhisaayo labada gobol Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Dowlada Federaalka ayaa Dhowr jeer oo hore ku Fashilantay in ay qanciso odayaasha Gobolka Hiirana oo aad u dhaliilsan Shirka Jowhar ka socda waxaana dowladu ay awoodi weysay in ay dhameystirto shirkii Jowhar ay ka furtay.

 

 

unnamed-7-2 unnamed-8-1 unnamed-9-1