Dhageyso: Xusuusta Maanta oo kale Markii la Dilay Allah ha u Naxariistii Cali Iiman Sharmaarke iyo mahad Axmad Celmi

FB_IMG_1470913630946

Maanta oo kale Sanadkii 2007dii waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma’arke oo ka mid ahaa maamulka iyi howlwadeennadii Idaacadihii Horn Afrik iyo Capital Voice..
Labaduba waxaa ay dhinteen maalin Gudaheed,waxaa ay Koox Hubeysan Xaafadda Ifka Xalane ku toogteen,Mahad Axmed Cilmi oo ka tirsanaa Capital Voice,waxaana markii Meydkiisa loo qaaday Quburaha Barakaad ee la soo aasay kadib Gaarigii uu soo raacay Cali Iimaan Sharma’arke waxaa la qaraxday Miino,halkaas oo uu isagana ku dhintay.

Iidle-620x330
Haddaba markii la dilay Mahad Axmed Cilmi Allaha u naxariistee waxaa la socday C/Naasir Xirsi Iidle oo ka mid ahaa Howlwadeennadii Idaacadda Horn Afrik,waxaa uu maanta ka qeyb galay barnaamijka Lahadal Mustaqbal ee ka baxa Idaacadda Mustaqbal,waxaana uu ka warramayaa xusuustiisa geerida xanuunka badyneyd ee markaas ay la kulantay Warbaahinta Soomaaliyeed.