DHAGEYSO:Dagaal udhaxeeya ciidamada dowlada iyo Xarakada Alshabaab oo ka dhacay gobalka Baay.

Wararka Shaaciye24 ay ka heyleyso deegaanka goofguduud ee gobalka bay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay halkaas uu dagaal uu ku dhex maray  ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab  sida saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalaka ay inoo xaqiijiyeen

Dagaalka ayaa yimid ka markii  ciidanka dowladda Soomaaliya  ay weerarao ku ekeeyeen fariisimo alshabaab ay ku lahaayeen meel aan ka fogeyn deegaanka goog guduud ee gobalka bay wuxuuna dagaalka Xoogiisa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo ee iyo deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq ayaa sheegay in dagaalka dhankood ay uga dhinteen saddex askari, waxuuna sheegay in ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan weerarada ay ku qaadayaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Ay kaga suganyihiin gobalada bay iyo Bakool.

Dagaalka ayaa imaanaya xili dhawaan maamulka koonfur galbeed uu sheegay inay wadaan abaabul dagaal oo ku aadan sidii alshabaab ay kaga saari lahaayeen deegaanada ay kaga harsanyihiin goobaha uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed