DHAGEYSO:Faah faahino Dheerad ah oo ka soo baxaya Qarax ay ku dhinteen Rag la sheegay inay aasayeen oo ka dhacay Muqdisho

Rag la sheegay iney ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab oo Miino ku aasayey Nawaaxiga Wadada Ex-Koontarool Balcad ee degamada Hiliwaa ee gobalkan Banaadir ayaa waxaa xalay Saqdii dhexe  ku qarxay Miinadii ay aasayeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane oo Goor sii horeeysay Gaaray goobta ay miinadu ka qaraxday ayaa sheegay in Miinadu ay qabsatay 3 nin oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo ku hawlanaa Siduu hadalka udhigay Miinada,wuxuuna tilmaamay in 2 kamid ah ay goobta ku geeriyoodeen mid kalane uu baxsaday.
Maamulka Degmada iyo Ciidanka Amaanka ayaa saakay waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira falkan inkastoo aan la xaqiijin karin cida sida rasmiga ay ugu soo qabteen howlgalka