DHAGEYSO:Howlgalo Ciidamada Dowlada ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada Gobalka Bakool

Wararka aan ka heleyno deegaano hoos yimaada gobalka bakool ayaa sheegaya in Ciidamada dowlada Somaaliya ay howlgalo ka wadaan deegaano hoos yimaada gobalka bakool.Deeganada ay ciidamadu saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalada ka sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Degmada Tiyeeglow,Ceel garas iyo deegaano kale oo dhaca gobalkaasi.

Maxamed Cabdule Food Cade oo ah gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobalka bakool ayaa sheegayin howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen gobolka Bakool in ku qabsadeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada tiyeeglow ee gobolka Bakool.

gudoomiyaha waa uu sii hadlay oo waxa uu sheegayin dagaal Culus oo ka dhacay gobolka Bakool ay Shabaab ka qabsadeen deegaanka Ceelgaras iyo sidoo kale deegaano Hoos yimaada degmada Tayeeglow.

Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka wadeen deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Bakool.