DHAGEYSO:Maamulka Gal mudug oo Dalbaday in Ciidamo Aminsom ah la geeyo Magaalada Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in maamulkiisa ay dalbadeen in ciidamo AMISOM ah la keeno Magaalada Cadaado si ay u sugaan amaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay dhowaan ka dhici doonaan Doorashooyinka maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sugida amniga magaalada Cadaado iyo deegaanada kale ciidanka Galmudug aysan ku filneyn taasina ay keentay in ay dalbadaan ciidan AMISOM ah.

Maamulka Galmudug oo u diyaar garoobaya Doorashooyinka maamulkaasi ayaa waxa ay markii ugu horeysay dalbadeen ciidan AMISOM ah in la keeno deegaanadooda si ay u sugaan amniga.