DHAGEYSO:Maamulka gobalka Banaadir oo amray in dib loo furo wadooyinka Xiran ee Magaalada Muqdisho

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa amray in la dib loo furo wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisa aysan marnaba aqbali doonin sii xirnaashaha wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in wadooyin muhiim u ah shacabka oo la xiro kaliyah aan lagu sugi karnin amaan balse loo baahanyahay in lala yimaado fikir ka duwan arintaasi,waxaana sidoo kale ugu baaqay Dadka ay u xiran yihiin wadooyinka in ay furaan wadooyinka , oo ay ka qaadaan dhagaxaad waa weyn ee ay soo dhoobeen.