DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo ka hadlay Abaaro baahsan oo ka jira deegaanadeeda.

Abaaro baahsan o saameyay dad iyo duunyo ayaa laga soo sheegayaa inay ka taaganyihiin Qaar ka mid ah Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Jubbaland.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Deegaanada ay saameeyeen abaaruhu ayaa waxa ay codsi ujeediyeen maamulada kala duwan ee dalka ka jira,dowlada dhexe iyo beesha caalamka iyagoo ka codsaday in loo gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka abartu saameysay

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore qeylo dhaan ku aadan Abaaraha ka jira Deegaanadooda maamulka Jubbaland  ay u direen, iyagoo sheegay in dadka ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan biyo la’aan.

Afhayeenka Laamaha amniga maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud oo goor sii horeysay hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dadka kunool deegaano badan oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ay ku jiraan xaalad adag oo dhanka Nolasha ah.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidoo kale maamulka Jubbaland in ay si deg deg ah u soo gar gaaraan dadka kunool deegaanada ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo oo uu ka mid yahay deegaanka Cabdalla Biroole.

Shalay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada kaasi oo looga arinsanayay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mida Dhulka Jubbooyinka.