DHAGEYSO:Maamulka Koonfur galbeed oo faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidamada dowlada iyo kuwa Aminsom ay ka sameeyeen Gobalada baay iyo Bakool

Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowlada iyo kuwa Aminsom oo is garabsanaya ay howlgalo ka wadeen deegaano hoos yimaada gobalada Bay iyo Bakool kuwaas oo ay sheegeen inay ku baacsanayaan dagaal yahano katirsan Xarakada Alshaab oo ku sugan gobaladaasi ayaa arintaasi waxaa faah faahin dheerad ah warbaahinta ka siiyay Maamulka koonfur galbeed ee somaaliya
Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ah wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celin maleeshiyaadka ayaa sheegay in howlgalo maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowlada ay iyo kuwa aminsom ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada gobalada bay iyo bakool ay guulo muhiim ay ay ka soo hoyeen ciidamada huwanta ah sida uu sheegay isla markaana ay gacanata ku dhigeen deegaano ay horay umaamulayeen xarakada Alshabaab
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xooga dalka iyo kuwa aminsom oo is kaabaya ay ku wajahanyihiin Deegaano hor leh oo ay ku suganyihiin xarkada alshabaab isagoona shacabka ku dhaqan deegaanadaas ka codsaday inay ciidamada ay gacan weyn ka sii yaan sidii Alshabaab looga saari lahaa deeganadaasi siduu hadalka udhigay

Dhawaan ayey eheed markii Maamulka Koonfur Galbeed uu ku hanjabay in Alshabaab ay ka saari doonaan deegaanada ay kaga harsanyihiin Gobalka intiisa kale.