DHAGEYSO:Madaxda ugu Sareysa Dalka oo ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta Magaalda Muqdisho loogu Sameeyay Marxuuum Maxamed Cali Samatar

Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuumka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada Dalka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka gobolka Banaadir, iyo Masuuliyiin kale.

Ka hor inta aan la aasin Marxuumka ayaa Madaxda Dowladda waxa ay Salaadii Janaasada kula dukadeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana lagu aasay isla xaruntaasi.

Madaxda Dowladda iyo Saraakiishii Ciidan ee ka qeyb galay Aaska Qaranka ayaa waxa ay sheegeen in Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar uu wax badan dalka iyo Dadka Soomaaliyeed usoo qabtay.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maadaama uu General Samatar Halyeey ahaa ay Madaxda Dowladda Waajib ku noqotay in ay ka qeyb galaan Aaska Qaran ee loo sameeyay.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha ka Sheekeeyay Taariikhda Alle ha u naxariistee General Maxamed Cali Samatar.
Sidoo kale waxaa aaska ka hadashay Sahra Maxamed Cali Samatar oo ah wasiirka wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaamka ee Xukuumada Somaaliya oo uu dhalay Marxuumka ayaa waxay ka sheekeysay taariikdii uu lahaa aabaheed iyo waxa lagu xasuusan doono.
madxweyne xasan