DHAGEYSO:Muxuu madaxweyne Xasan Shiiq ka sheegay Shirka maamul usameynta gobalada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi  uu hogaaminayo oo goor sii horeysay maanta gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa siweyn loogu soo dhaweyay Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi

maamulka gobalka SH/Dhexe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan gobalka Sh/dhexe ayaa qeyb weyn ka qaatay soo dhaweynta wafdiga madxweynaha sidoo kale Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Garoonka Diyaaradaha iyo goobta uu ka socdo shirka la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Qudbad ka jeediyay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ee ka socda Magaalada jowhar,ayaa waxaa uu sheegay in aan wax fara gelin ah lagu sameyn doonin Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD in ay madax banaani siin doonaan Ergooyinka iyo Waxgaradka soo dhisaya Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baaqday safar uu ka tagi lahaa Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.