DHAGEYSO:Qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii shalay galinkii dambe degmada Afgooye ku dhexmaray Ciidanka Dowlada iyo Alshabaab oo maanta la soo gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina.

Sideed qof oo isugu jira rag iyo dumar oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa goor sii horeysay oo manta ah la soo gaarsiiyay Cisbitaalka Madiina Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku soo waxyeeloobay Dagaalkii shalay galinkii Dambe degmada Afgooye ku dhex maray Ciidanka dowlada Somaaliya Iyo dagaalyahanada Alshabaab oo degmadaasi weerar culus ku soo Qaaday.

Madaxa Caafimaad Cisbitaalka Madiina  Duniya Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Sagaal Qof oo dhaawacyo qaba la soo gaarsiiyay cisbitaalka mid ka mid ah uu ku geeriyooday cibitaalka xili loo sameynayay Gargaar Caafimaad halka Sideeda kalena Xaaladooda ay soo hagaa hageeyso

Dhinaca kale duniya ayaa sheegtay in cisbitaalka la keenay Lix qof oo meyd ah oo wejiyadooda ay adagtay in la aqoonsado ka dib markii ay wax yeelo ay ka soo gaartay qaraxyadii iyo weerarkii shalay Alshabaab ku soo qaadeen  degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose waxayna duniyo sheegaty in dadkaasi ay dhigeen qeybta la dhigo meydadka ayna aasi doonan.