DHAGEYSO:Raisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax utaagan Xilka madaxtinimo ee dalka.

Wasiirka kowaad ee xukuumada Somaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo goor sii horeysay oo manta Shir Jaraaid ku Qabtay Magaalda Muqddisho ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay musharaxash utaagan xilka madaxtinimo ee dalka.

Cumar Cabdi Rashiid ayaa tilmaamay in mudadii halka sano iyo barka ay jirto xukuumadiisa ay wax badan ka qabatay arimo Xasaasi ah oo soo wajahay taas oo uu Raisul wasaaruhu ku sheegay inay kaga gudbeen Degenaan iyo Xasilooni siyaasadeed.

Madaxweynaha somaaliya Xasan Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isagu dhawaan waxaa uu sheegay in markale utaaganyahay Qabashada Xilka madaxtinimo ee dalka. sidoo kale waxaa jira siyaasiin Somaaliyeed oo sheegay inay yihiin musharaxiin utaagan xilka madaxtinimo ee dalka kuwaasi oo ay ka midyihiin:

Wasiirkii hore ee Qorsheynta C/Raxmaan C/Shakuur Warsame,C/Raxmaan Max’ed Maxmuud Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland,Max’ed Cali nuur Ameeriko,danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Duqii hore ee Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan,Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Sargaal ka tirsanaa Hay’adda CRD,iyo xubno kale oo doonaya jagadan,kuwaas oo aan qaarkood wali ku dhawaaqin in ay daneynayaan xilkan.