Dhambaal Jaceyl Oo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Iyo Qalinkii Ramla Gob­doon

Waan ku tebay. Si aanan qiyaasi karin
ayaan kuu tebay. Waxa aan is
waydiinayaa, oo aan la yaabbanahay,
sida aan ugu adkaystay muddada fog
ee aan ka la maqannahay. Malaha qof
adag ayaan noqday. Waxa aan
aaminsanaa in aysan maalin ii jirin
adiga la´aantaa. Ma aqaanno waxa is
beddalay. Dhowr sano ayaan sii ka la
maqannahay. Waan ka la dhunnay. Waan ka la dheeraannay. Is la xilligan
oo aan qorayo warqaddan ma sheegi
karo halka aad ku sugan tahay.
Adduun iyo xaalkiis dheh.
Waxa aan is la soo qaadannay intii u badnayd ee nlosheenna. Waan is la soo
kornay. Waan is la soo hanaqaadnay. Dugsi iyo iskool ayaan is la soo wada
dhigannay. Xitaa xaafadaheenna ayaa is ku dhegnaa oo isu dhawaa. Si aad ah
waliba. Alla maxaad qof wanaagsan oo ii naxa ahayd! Waad ii ogayd in aan kaa
yarahay sidaas darteed ayaad iigu naxriisan jirtay. Ma xusuusataa markii aan
ciyaartii ´´Ciyaar biloow´´ la ciyaari jirnay ilmaha xaafadda, ee tayda iyo taadaba
aad is ku qaadan jirtay oo adiga la gu garaaci jiray? Alla maxaad ii damqan jirtay!
Horta anigu fulay ayaan ahaa, adiga ayaanse geesi ku gu ahaa. Maxaad dartay
dagaallo badan u gashay! Maxaad ii hiilisay aniga oo gar darran! Intaad dadka iyo
ilmaha kalaba iga celiso ayaad si gaar ah ii waanin jirtay. Waad ii caqli celin jirtay. Waxa aad iiga digi jirtay in aanan ku laaban qaladka aan sameeyo. Anna waan kuu
ogaa in aad iga waynayd oo waan ku dhagaysan jiray.
In kasta oo aan aad u dhib badnaa yaraannimadaydii madax adeegna uu ii
raacsanaa haddana waad ila jirtay mar walbo. Maalin aad igu xanaaqday ayaan
xusuustaa. Laftirkaagu waad yarayd oo wax badan iga ma waynayn. Maalintaas
waan murugooday. Waxa aan ka baqay in aan ku waayo oo aadan dib iigu soo
laaban. Aniga ayaa dambiga lahaa, waayo hadalkaaga ayaan qaadan waayay. Adiga
ayaase ii yimid oo i raalligeliyay. Alla maxaad qof wacan ahayd!
Markii aan carruurnimada ka soo baxnay ee aan soo roonaannay aad ayay
nolosheennu isu beddashay. Dhallinyaro soo kacay oo ay noloshuba markaa biloow
u tahay sidooda ayaan ahayn. Alla maxaan wax walba xiisaynay. Maxaan wax walba
is ku daynay in aan tijaabinno. Waxa aan isu haysannay in aan dunidaba lee
Dhambaal Jaceyl Oo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Iyo Qalinkii Ramla Gob­doon.. | Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada
Ma xusuusataa habeenkii aan xafaladda aadnay? Xaflad aan na laga casuumin ayay
ahayd. Ciddii deriskeenna ahayd ee wiilsha iyo gabdhaha waawayn lahaa ayaa
xafladdaasi qabsanayay. Si xoog ah ayaan ku jiirnay albaabka oo aan gudaha u
gudubnay. Alla maxaan habeenkaas wax aragnay! Dad wada labbisan oo midabbo
ka la duwan leh ayaa goobta is ku gu yimid. Gabdhahaa ugu sitay meesha. Bisinka!
Ilaa iyo hadda xusuustayda ka ma bixin habeenkaas.
Fursad aad ku la hadasho gabadhii ku dhex qaadday ayaad meesha ku heshay. Waa
adigii iga tegay markii aad sheedda ka aragtay iyada kaligeed oo cabitaan meel la
taagan. Malaha buuqa iyo muusigga codka dheer ayay soo dhibsatay markaa. Horta
anigu waan garan waayay muuqeeda. Si cajiib ah oo ay indhuhu u bogayaan ayay u
soo labbisatay. Saakada ka jeexan dhinacyada lugaha ku aaddan ee ay xirnayd iyo
timaheeda ayaa aad isu lahaa. Alla gabadhu maxay qurux badnayd oo ay tima
jilcanayd! Gortii aad iyada aragtay ayaad anigana i illowday. Ma qof miirkiisu
dhanyahaa jira marka uu arko gabar sidaa oo kale ah.
Sidii aad xaggeeda ugu dhaqaaqday ayaan ka yaabay. Kollay lugahaaga ku ma
aadan socon habeenkaa. Wixii intaa ka dambeeyay waa anigii gudaha u galay guriga. Reerku in ay
ladnaayaan waxaa laga garan karay guriga ay degnaayeen. Habeenkaa in aan guriga
ku dhex dhumo ayaan ka baqay oo aan garan waayo meel aan ka soo baxo. Nalalka
bixinayay iftiinka ka la duwanaa ayaa marba midab u yeelayay dadkii gudaha ku
jiray iyo muuqaalka meeshuba. Intii aan korontooyada dhex socday ayaan arkay kii
aan kaaga sheekeeyay. Kii aan kuu sheegay in aan la dhacay oo xaafadda ku cusbaa. Waa innagii mar bas wada raacnay. Markaas ayuu magaciisa ii sheegay, kolkaan
arkay isaga oo meel gees ah taleefankiisa la taagan ayaan ku leexday. Waliba
magaciisa ayaan kor ugu dhawaaqay. Alla geesisaniyaayee! Maya, anigu ma ahayn
wixii u yeeray. Wax ayaa iga hadalsiinayay kolleey. Habeenkaa jawi deggan ayuu ku
jiray sidaa darteed si fiican oo furfuran ayay sheekadu noogu baxday. Gabadhihii
xaafadda degnaa oo dhan ayaan gudaha ku arkay oo wada sheekeesannay. Wixii
intaa ka dambeeyay qof meesha ka casuuman ayaan u ekaaba, gebagabadiina isaga
ayaa i soo kaxeeyay oo xaafadda ii soo raacay.
Adigu waxa aan ku gu ogaa gabadhii, ima aadan soo raadin anna ku ma soo raadin.
Maxaan isa soo raadinnaa kuwii aan raadin jirnay ayaan gaarkeen u helnayee?
Subixii ayaadse iiga sheekaysay in aad iyada raacday. Habeenkaasna habeen dheh.
Habeenno iyo dharaaro kale oo dhacdooyinkooda leh ayaan soo wada marnay. Ma
anigaaba hadal ku soo koobi kara, waliba adiga oo iga maqan oo aan ila jiibinayn!
Alla maxaan saaxiibkayoow kuu xiisay! Taloow xaggee ku maqantay haddeer?
Waan ka la baahnahay oo ka la baadiyownay. Xaalad sidee ah ayaad saaxiibkayoow
ku sugan tahay? Xaggee ka ga nooshahay dunidan ballaaran ee aadka u ka la fog?
Maxaad ku maqan tahay muddada intaa la eeg? Maxaad ii cidlaysay? Wehalkaygii
ayaad ahayd. Qofka aan ku nefiso ayaad ii ahayd. Mataankayga ayaad ahayd. Waad
fogaatay.
Waad iga tagtay. Adigu ma ii xiistay? Ma is waydiiysaa halka aan ku dambeeyo?
Hubaal. Waa adigii ii sheegi jiray in aad i jeceshahay. Waa adigii igu dhihi jiray in
aad xiisayso la jooggayga iyo sheekadayda. Goorma ayaan dib u midoobi doonnaa?
Goorma ayaan wada fariisan doonnaa oo wada faallayn doonnaa wakhtiyadii na soo
maray? Goorma? Wakhtigii ina ka la fogeeyay ee ina ka la dhumiyay mid habaaran
ayuu ahaa. Waxa aanse ka baqayaa in uu dib noo kulmin waayo. Waa marka uu
waxbayahay yahay wakhtigu.
Saaxiibkayoow, wali sidii ayaan anigu kuu xusuustaa. Cid booskaaga buuxin karta
ima soo marin. Maba jirto. Wali sidii ayaan kuu jeclahay oo aan kuu tebaa.
Sheekooyin iyo sirar badan ayaa iga buuxa, adiga mooyee cid kale oo aan ku
aaminayo ma jirto. Sanduuq furihiisa badda la gu tuuray oo aan wax walbo ku
kaydsado ayaad ii ahayd. Waxa aan kuu sheego in aad hayso maahee bannaanka u
ma soo saari jirin. Horta dadku in aan is jeclayn ayay moodi jireenee ma ogtahay?
Waad ogtahay. Saw adigii dhowr mar ii sheegay xan aad soo maqashay? Waan is
Dhambaal Jaceyl Oo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Iyo Qalinkii Ramla Gob­doon.. | Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada
jeclayn waa runtood, laakiin sida ay moodeen si ka duwan oo aysan malaysan karin
ayaan isu jeclayn, walina kuu jeclahay anigu.
Saaxiibkayoow marka aan dib kuu arko wax walba ayaan kaaga sheekayn doonaa. Waxa aan kaaga sheekayn doonaa waxyaabihii inoo ka la dambeeyay oo dhan.
Kaliya marka aan dib kuu arko ayaan sheegi doonaa sirar badan oo aad keligaa
ogaanayso. Marka u horaysa ee aan dib u kulanno waxa aan ku siin doonaa hab
dheer oo adag. Ila ma ahan in aan si fudud kuu dayn doono. Ma xisaabin doono
inta ay habtaasi qaadanayso. Maba daneenayo middaas. Laabtaadii diirnayd,
dabacsanayd ee jacaylka iyo naxriistu ay ka buuxeen miyaan si fudud uga dhex bixi
karaa? Ha sheegin. Bes inaan adiga ku arko, ka dibna ha dhacaan wax kastoo dhici
lahaa. Intaas ka dib ayaan kuu bilaabi doonaa wixii aan kuu hayay oo dhan. Maya,
adiga ayaa i bilaabaya. Mise anigaa ku hor mara? Maya, waad ogtahay in aan warka
iyo sheekadaba jeclahee adiga ayaa bilaabaya. Alla maxaan u xiiso qabaa
sheekooyinkaaga! Taloow meeqo sheeko ayaad ii haysaa? Labaatan ma gaarayaan?
Waa ay ka badan yihiin ayay ila tahay.
Marka u horayso, maalinta u horayso ee aan dib isu aragno is ku meel ayaan wada
joogi doonnaa. Anigu haddii aan mar nasiib ku gu arko ku ma daynayo. Ma
dhacayso in aan mar kale ka la fogaanno oo aan is wayno. Ha ka yaabin. Aan mar
uun dib kuu arko. Markaana adiga ayaa noqonaya kii la ga waynaa, anna waxa aan
noqonayaa kii waynaa. Waan ku ilaashan doonaa oo si fiican kuu la socon doonaa.
Ilaahay mar kale ha i kaa tuso.
Saaxiibkayoow waan ku jeclahay. Si wayn waliba oo ballaaran. Aniga oo aanan
ogayn meel aad ku dambayso, meel aad u joogto iyo meel aan kaa heli karo ayaan
farriintan kuu soo dirayaa. Haddii ay warqaddan ku soo gaarto, waan filayaayee,
waxaa aad ogaataa in aan ku jeclahay. In aan xiisahaaga la liito oo aan adiga ku
sugayo. In aan kuu soo duceeyo mar walbo oo aan kaa fekero. Waxa aan kuu
rejaynayaa in aad ku nabad iyo bad qabto halka aad joogto. Farxad aan kaa
dhammaan iyo nolol xasillan ayaan kuu filayaa in aad ku jirto, waligaana aad ku
jirtid.
Warqaddan qoraalkeeda halkan ayaan ku joojinayaa. Ma sii wadi karo. Haddii aan
sii wadana waxa aan ku qasbanaan doonaa in aan ilmeeyo. Lacalla haddii ay dhacdo
in aad aragto warqaddan, waxa aad ogaataa in ay kuu soo qortay saaxiibaddadii
rumayd. Saaxiibaddaadii aad jaclayd. Saaxibaddaadii aad u la dhaqmi jirtay sidii
walaal kaa yaraa oo kale. Xilligan aan warqaddan kuu qorayo waxa aan joogaa wabi
wayn agtiisa. Dabeesha ayaan ka dalbanayaa in ay farriintan kuu soo qaaddo. Waa
intaasoo ay agtaada ku soo dhacdo iyada oo biibaysa. Saaxiibkayoow waan ku
jeclahay. Taloow kor ma ku xusay in aan ku jeclahay mise waan kaa illoobay? Is ka
daa hadda ayaan kuu sheegayaayee.