DHUL GARIIR KU DHUFTAY WADANKA TALYANIGA

Ugu yaraan lix ruux ayaa la rumaysan yahay in ay ku dhimatay ka gadaal markii dhul gariir xun uu ku dhuftay bartaha wadanka talyaniga kaas oo waxyeelo u gaystay xafado badan oo ku yaal gobolka EPICENTRE abaarihii 1:30 ee saxda dhexe xalayto.

Sida uu wariyey radiyaha qaranka ee dalka talyaniga waxyeladii ugu horeysay waxay ka soo gartay lamaane yaal gabow ah kuwaa oo gurigoda ku soo dumay kaa oo ku yaaley pescara del tronto ee gobalka MARCHE , sidoo kale waxay wax ka soo gareen qoys ka koobnaa afar ruux oo laba ka mid ah caruur ay yihiin kuwaa oo u dhintay naxdin ka soo gaartay dhul gariirkaas samayey gurigooda sida uu warbahinta u xaqiijiyey mayar ka ACCUMOLI.

Dhul gariirkan ayaa la sheegay in uu garayey halbeegiisa 6.2 sida ay wariyeen dadka ku takhasusay cabirka dhul gariirada.

Magaalada inteeda badan way baaba’day waxaana sameyey dhul gariirka sidaan waxaa saxaafada u sheegay mayar ka magalada wuxuuna intaa ku sii daray in ay jirto waxyeelo badan oo uu geystay dhul gariirkan

Waaxda ka hortaga musiiboyinka talyaniga wayaa sheegtay in loo gurmaday mesha ay mashaqadani ka dhacday sidoo kale gobolka kale ee u dhaw laga dareemay dhul gariirkan , mashaqadan sameynta ugu xogan ee u geysatay magaalada AMATRICE sidoo kale waxay sameysay magaalooyinka kale sida ACCUMOLI, POSTA AND ARQUATA DEL TRONTO, sida uu Reuters u sheegay Luca Cari oo u  hadalay waaxda dab damiska dalkaas.

Af-hayeen u hadlay ra’isu wasaaraha wadakaas ayaa bartiisa twitter ka ku sheegay in dowlada si dhaw ula socoto xalada meshaa kalana shaqeyn doonto hay’ada ka hortada musiiboyinka qaranka .

Dhul gariirkii ugu weynaa ka dhaca dalkaas wuxu ahaa midkii ka dhacay bartamaha magaalada L’AQUILA sanadii 2009 kaa oo waxyelo u gaystay dad kor u dhafay 300 oo ruux305743de4136418bbd8c924773293644_18 90689b12365a43a68f976408c81b1488_18 8ce7d04819694fa78d2701627173bf18_18 1bd9cbfdd2f6424b88dd10c73378b337_9