Diyaarad Gargaar Sida Oo loo soo diray Somaaliya.

Xukuumada  Azerbaijan ayaa Shaaca ka qaaday in Dalka Somaaliya  ay u  soo dirtay Diyaarad Sidda 76 Tan oo isugu jir Cuntooyin iyo Biyo Nadiif ah kuwaas oo ay ugu tala gashay dadka ay abaaruhu Sameeyeen eek u dhaqan gobalda Dalka.

Faiq Taghizade  oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo gurmadka degdegga ah  ayaa Tilmaamay  in diyaaradaan gargaarka ay sido laga dejinaayo  Dalka  jabuuti ka dibna ay u soo gudbin doonto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale Waxaa uu sheegay  in uu Amarka gargaarkaasi bixiyay Madaxweyne Ilham Aliyev oo ah Madaxweynaha Azerbaijan.

Dowladaha Caalamka Qaarkood ayaa dhaqaalo uga Qeyb qaadanaya samata Bixinta Dadka ay abaaruhu saameyeen ee ku sugan Dalka Somaaliya.