Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ku dhacday shabelaha hoose(Yaa gacanta ku haya).

Degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ku dhacday Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah,waxaana gacanta ku dhigay Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradda ayaa la sheegayaa in ay ku dhacday degaan Beeroley ah oo ka tirsan bariirre,waxaana Al-shabaab ay sheegayaan in Diyaaradda ay leedahay Dowlada Mareykanka.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qoraysa in Diyaaraddan ay ku xiranyihiin Kaamirooyinka wax basaas islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan Saraakiisha Al-shabaab ee Shabeellaha  hoose.

Dhowr jeer oo hore ayey Diyaarado Duuliye leh iyo kuwo aan lahaymba ku dhaceen Gobolka Shabeellaha hoose iyo Gobollada kale ee dalka.

Saraakiisha Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Diyaaradda ay gacanta ku dhigeen u soo bandhigi doonaan Warbaahinta saacadaha soo socda.

Diyaaradaha ku dhaca degaannada Al-shabaab ay maamulaan ayey adag tahay in la helo xogta la xiriirta halka ay ku dambeeyaan,waxaan Sanad ka hor ay Diyaarad nooca xamuulka ah ku dhacday duleedka Afgooye,taas oo ay Al-shabaab gacanta ku dhigeen markaas ayaan ugu dambeysay hadal heynteeda.