Diyaarad Rakaab ah oo ku gubatay Garoon Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Dubai

Xukuumadda Dubai ayaa sheegay in mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Imaaraadka Carabta, uu maanta Dab ku qaabsaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Dubai, kadib markii si dirqi ah Diyaaraddu   ah  ah ka soo degtay Garoonkaasi.

Diyaaradaasi, oo nooceedu ahaa Boing 777,  sidayna Raakaab dhan 275 qof, cidina wax kama aysan noqonin,balse waxaa la joojiyay Dulimaad Diyaarad ka soo kicintaay dalka  Hindiya oo ku soo wajahneyd Garoonka Dubai.

Shilkaasi ayaa dhacay markii ay Diyaaraddu soo degtay, waxaana markii dabku qabsaday,  Rakabkii saarnaa oo ay ku jiraan Duuliyihii iyo shaqaalihii Diyaaradda, si deg deg uga soo dejiyay kooxda gurmadka.

Sidoo kale, xafiiska wararka ee Xukuumadda Imaarada Dubai, ayaa sheegay in dhaacdadaasi ka dib si kmg, loo hakiyay dhaamaan duulimaadyadii Garoonka caalamiga ah ee Dubai, oo maanta ka kici lahaa ,am aka soo degi lahaa

Baarta ay Bulshadu ka wada xiriirto, ayaa ka soo muuqday sawirka diyaarad gubanaysa oo qiiqii ka kacay hawada isku shareeray.