Diyaarada Jabuti Air Ways Oo Waqti 25 Sano Kadib Muqdisho Kusoo Dagatay.

jabuuti-640x425

Shirkadda duullimaadyada Diyaaraddaha ee Jabuuti Airlines ayaa muddo 25 Sana kadib soo Caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Diyaaradda ayaa duullimaad toos ah waxay ugu billoowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, iyadoo ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Soomaaliyeed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah.

Jabuuti Airlines, ayaa ka mid noqonaysa Shirkado duullimaad oo heer Caalami ah, kuwaasoo dhowaanahanba Safarro shaqo oo toos ah ka waday gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaa Caasimadda Muqdisho.