Diyaarado Jawi Hoose ku Socda Oo Baqdin ku Abuuray Dadka ku Nool Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dehxe

Wararka laga helaayo Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Diyaarado ku socda Jawi Hoose ay dul marayeen Deegaanno ka tirsan Gobolkaasi.

Goobaha sida gaarka ah ay Diyaaradaha u dul heehaabayeen ayaa waxaa ka mid ah degmada Jilib iyo deegaanno hoostaga.

Mid ka mid ah Dadka degan Degmada Jilib ayaa Warbaahinta uga warbixiyay sida xaalku yahay isagoo sheegay in Diyaarado Guuxoodu uu dheeryahay ay  dulmarayeen degmada Jilib iyo hareeraheeda islamarkaana ay la soo darseen baqdin xoogan.

Goob Joogaha ayaa intaas ku daray in dadka shacabka qaarkood ay billaabeen in ay isaga barakacaan Guryahooda kadib cabsi xoogan oo soo food saartay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dadka shacabka ah u diideen in ay ka baxaan degmada Jilib ee diyaaradaha lagu arkay.

Lama oga Heybta diyaaradahaasi Dagaal ee dul heehaabayay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanada ku dhow dhow walow dhowr jeer nawaaxigaas ay duqeymo uga fuliyeen diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Kenya, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo qaarkood soo gaaray dadka shacabka ah.