Donal Trump ayaa ku gulaystay xilka madaxweyne wadanka Mareykanka

Musharaxii Xisbiga Jamhuuriga Mr Donal Trump ayaa ku gulaystay xilka madaxtinimada wadanka mareykanka ka dib dagaal adag ee dhanka doorashada ah la galay musharixii kale ee ka socotay xisbiga Democracy MRS Clinton.

Dorashadan ka dhacaday wadanka mareykanka ayaa sanadkan eheyd mid taariikhi ah kadib markii musharixiinta labada xisbi ka socday mid walbaa uu tariikh gaar ah u yeeli dono siyaasada wanadkaas.

Hadii Hillary Clinton la dooran lahaa waxay kaga dhigneyd iyadoo markii ugu horeysay wadankaas ay madaxi ka noqoto haweyney halka hada ay kaga dhigantahay markii ugu horeysay nin aan qibrad siyaasadeed  leheyn oo weligii oo galin siyada uu manta madaxi ka noqday wadankaas.

Hadaba waxaa la wada sugayaa sida xaalka danbe ee wadankaas uu noqon dono iyadoo la wada ogsoon yahay waxyabihii uu horay madaxweynaha cusubi u balan qaday intii ololaha ay socdeen maka dhabeyn donaa mise dib ayuu uga laban donaa wixi uu u balan qaday dorashada ka hor.