Donald Trump “Imtixaan ayaan ka qaadaya Muslimiinta imaaneysa dalka Mareykanka”

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay qorshihiisa ku aadan in uu dagaal la galo waxa uu ugu yeeray argagaxisad caalamka , waxa uuna tilmaamay in uusoo rogi doono qorshayaal badan marka la doorto.
Waxa uu sheegay Donald Trump , in uu soo saari doono amar ah in imtixaan laga qaado dadka Muslimiinta ah ee imaanaya dalka Mareykanka kahor inta aysan soo galin, waxa uuna xusay in tilaabadaasi ay wax badan tari doonto.

Dagaalka iyo xiisadaha ka jira wadamo kuyaala Bariga Dhaxe ayuu ku eedeeyay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga in uu ka dambeeyay Madaxweynaha talada haya ee Barack Obama iyo Hillar Clinton oo ah musharaxa Madaxtinimada kula tartami doonto.
Donald Trump ayaa sheegay in uu dagaal la gali doono Kooxda Daacish uu sheegay in dhibaato ku hayaan caalamka, waxa uuna xusay in uu isbaheysi la sameesan doono Madaxda Wadamada dagaalka kula jira kooxda Daacish ay ku jiraan Ruushka iyo Masar.
Hillary Clinton , oo dhankeeda ka hadashay hadalada qalafsan ee inta badan kasoo yeera Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa tilmaantay in uusan wax aqoon ah Donald u laheyn Siyaasada Caalamka, waxa ayna meesha ka saartay in ninkan uu u qalmo in Madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka.

Musharax Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa marar badan jeediyay hadalo ka careasiiyay dadka Muslimiinta ah iyo dadyow kale, waxa uuna horey uga dhawaajiyay in dalka Mareykanka ka mamnuuci doono Muslimiinta imaaneysa.