Doorashada Aqalka hoose ee Jubbaland oo Saakay dib u bilaabanaysa.

Wararka   naga soo gaaraya magaalada kismaayo ayaa sheegaya inay saakay dib u bilaaban doonto doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee soomaaliya.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii khilaaf xoogan uu hareereeyay doorashada xubnaha aqalka hoose ee deegaanada jubooyinka iyo gedo.

Ciidamada Nabad Sugida ee  Jubbaland ayaa labo maalin ka hor diiday inay gudiga doorashada gudaha u galaan xarunta ay ka dhacayso doorashada baarlamaanka xubnaha ka mid noqonaya aqalka hoose.

Amaanka  guud ee xarunta doorashada ka dhacaysaee deegaanada  jubaland ayaa aad loo adkeeyay,iyadoona lagu arkayo ciidamo badan oo  ka tirsan maamulka jubaland  iyo ciidamada AMISOM.

Afar beel oo kaliya ayaa ka harsan doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee ka soo galaya maamulka jubbaland.

Khilaaf hor ayaa hareereeyay doorashada ka soconaysa  guud haaan deegaanada ay ka arimiyaan maamulada galmudug,puntland,koonfur galbeed iyo jubaland.

Wixii ku soo kordha la soco