Doorashada Aqalka Hoose oo Baydhabo ka socota iyo Jawaari oo ku Guuleystay Kursiga Ugu Horeeyo Aqalka Hoose K/Galbeed+Sawirro

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana u Tartamaya Musharixiin Dhowr ah .

Ergada ayaa u Codeyneysa Xildhibaanada Cusub ee Aqalka Hoose.

Kursigii koowaad ee Koonfur Galbeed ay ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka kadib markii uu  45 cod kaga guulaystay Craxmaan Sheekh Ibraahim uu helay 5 cod.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Heer Federaal , kadibna waxaa  ku dhawaaqay Guddiga Doorashada dadban ee Heer Maamul goboleed ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Doorashada Weli wey socotaa Xildhibaan Badan ayaana Maanta la dooranaya

1 2 3-1 5-1 6-1 fb_img_1478602078557 fb_img_1478602277392