Doorashada Aqalka Hoose oo maanta dib uga bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeela

Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka hir shabeele ayaa waxaa dib uga bilowday doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay ka dib markii gudiga doorashooyinka ay u joojiyeen shaqaaqooyin ka dhacay xarunta ay ka dhaceysay doorashooyinka aqalka hoose ee magaalada jowhar.

Ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada aqalka hoose ayaa si weyn loo ad keeyay ,waxaana halkaasi la geeyay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM.
Ciidamada ayaa gabi ahaanaba diiday in wax hub ah lala yimaado agagaaaraha goobta ay ka dhaceyso doorashada sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya doorashada.