Maanta oo ah Talaado ayaa  waxaa Laguwadaa magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo u ah maamulada Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed ka bilaaban doonta Doorashada xubnaha golaha shacabka.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan ayaa warkan xaqiijiyay.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha Doorashooyinka ee dalka, islamarkaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in si qurux badan ay usoo dhamaadaan.
Horay ayaa doorashada Aqalka Hoose , waxaa lagu qabtay Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.