Doorashada Aqalka Sare oo Maanta dib uga bilaabaneysa Magaalada Cadaado.

Iyadoo shalay Doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka bilaabatay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug  oo ay ku tartameen 19 xubnood  oo laga doonayo inay ka soo baxaan 8 xubnood ayaa shalay waxaa xildhibaanadu  si rasmi ah u doorteen  5 xubnood ,halka Sedexda xubnood ee kalena lagu balamay in maanta la doorto.

 

Waxaa Saaka lagu wadaa in markale ay dhacdo  doorashada xubnaha ka dhiman  Aqalka Sare ee ka imanaya deegaanada maamulka Galmudug, iyadoona Holka golaha wakiilada Galmudug iminka ay ka socoto qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu dooranayo 3da Xubnood ee ka haray  xubnaha Aqalka Sare umatalaya Galmudug

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka maamulka Galmudug in ay saaka soo dhameystiraan kooramka  si ay u doortaan xubnaha ka dhiman sideeda xubnood ee maamulka Galmudug u matalaya Aqalka Sare.