Doorashada Xildhibaanada aqalka Hoose oo Beri lagu wado in ay ka dhacaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

Magaalada Kismaayo waxaa la Filaaya in Maalinta Beri ay si Rasmi ah uga Bilaabato Doorashada Xildhibaadanada Aqalka Hoose ee Soomaliya.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan ayaa sheegay in doorashada xubnaha golaha shacabka ay maalinta barri ah ka billaaban doonto magaalaa Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Meel wanagsan ay Mareyso Howlaha Doorashooyinak Xildhibaanada Baarlamaanka soomaliya.

Afhayeenka dhanka kale wuxuu shaaciyay in Magaalada Baydhabo ay iyaduna beri ka bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.,