Dowlada Britain oo maxkamadeyneyso muwaadin Somaaliyeed oo lagu eedeeyay fal Dil ah.

Maxkamad ku taala dalka Britain Ayaa lagu wadaa in la soo taago muwaadin somaaliyeed oo lagu magacaabo Zakariye bulxan oo heesta Dhalasha Dalka Norway kaasi oo lagu eedeeyay fal dil ah uu ugeestay haweeney oo udhalatay dalka Mareykanka oo lagu magacaabi jiray Darlene Horton.

Laamaha ammaanka dalka Britain waxa ay sheegeen in weerarka uu Zakariye Bulxan ku qaaday meel ay dadka isku yimaadaan oo ku taala London uuna ku dilay Darlene Horton uu san aheyn mid ku lug leh Argagixiso.

Zakariye Bulxan  ayaa goor sii horeysay waxa uu weerar ku qaaday fagaaraha Rusell Square ee dalka Britain ,waxaana halkaasi ku dhimatay haweenay u dhalatay dalka Mareykanka oo da’deeda lagu sheegay 64 sano jir , waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray 5 qof oo kale, iyadoona ugu dambeyn ciidamada amaanka gacanta ay ku dhigeen,Waalidiinta eedeysanaha ayaa waxay wal wal ka qabaan Xukunka uu wajahi karo wiilkooda iyaga oo ku andacoonaya in wiilkooda madaxa looga jiro marka uu falkaasi ku kacayayna uusan ahaan miir ahaan taam eheen