Dowlada Hoose oo joojisay Cameyska laga qaadayay Gaadiidleyda Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxaa ay ka laabeetn go’aan Wasaaradda Gaadiidka oo ahaa in Gaadiidka Muqdishgo ay galaan Ceymis,kaas oo walaac badan abuuray ugu dambeyna sababay in shalay Gaadiidleyda Muqdisho ay shaqada joojiyaan.

Maamulku waxaa uu sheegay in go’aankaas laga laabtay islamarkaana la fasaxay Gaadiidleydana ay shaqadooda dib u qaban karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka uu hakiyay mashruuca ay ceymiska ku galayaan Gaadiidleyda ka dhaqeysa Muqdisho.

Dhanka kale Gaadiidleyda Muqdisho ayaa saaka dib u billaabay shaqadooda kadib markii ay shalay shaqo joojintaas ku dhaqaaqeen,waxaana ay ka cabanayeen ceymiska aysan fahamsaneyn halka uu u socdo ee lagu amray in ay galaan.