Dowlada Kenya oo ka hadashay Dagaal dhexmaray Ciidankeeda iyo Dagaalyahanada Alshabaab

Kenya ayaa ka hadashey dagaal dhexmarey ciidankooda KDF iyo Malayshiyaadka al-Shabaab maalintii Arbacada.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo hoostagta gobolka Mandheera. War ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in ay ka hortagtey oo fashilisey weerar ay isku dayeen al-Shabaab in ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

Eric Oronyi oo u hadley Kenya ayaa sheegay in ciidankoodu ay al-Shabaab dib ugu celiyeen gudaha Soomaaliya kadib markii ay soo weerareen Lafey.

Ururka al-Shabaab ayaa muddooyinkii danbe kor u qaadey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya.